Kenya oo baaraysa rag lagu tuhmayo Shabaab

191

Kenya-police-officialsSaraakiisha booliska Kenya ayaa shaaciyay inay baaris guud ku hayaan shan qof oo siyaabo kala duwan ay ciidamadda ammaanku gacanta ugu dhigeen, kuwaasoo qaarkood ay yihiin Soomaali haysata jinsiyadda Germany, iyada oo seddex ka mid ah raggaasi aad loogu tuhmayo inay xiriir dhow la lee yihiin masuuliyiinta xarakada Shabaab ee Soomaaliya ama ugu yaraan ay kasoo garab dagaallameen dagaalyahanka ururkaasi.

Seddexdaasi qof ee looga shakisan yahay inay xubno muhim ah ka yihiin Shabaab ayaa dhawaan lagu xiray gegida magaalada Frankfurt ee waddankaasi Germany, waxaana dib loogu soo celiyay Kenya oo markii hore ay diyaarad ka raaceen.

Booliska ayaa weli xaqiijinaya xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya seddexdaasi qof iyo labo kale oo bishii hore lagu qabtay xudduudda Kenya iyo Soomaaliya.