Kenya: Kooxo hubaysan oo 2 askari ku toogtay magaalada Mambasa

294

Mombasa-City-Tourism

Koox la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa weerar ay ka geysteen Kaniisad ku taala degmadda Likunda ee Koonfurta magaaladda Mombasa waxa ay ku dileen laba Askari oo Kenyan ah.

Larry Kiyeng, Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Xeebta ee dalkaasi Kenya ayaa sheegay in Afar nin oo hubeysan ay toogteen laba Askari oo ilaalo ka hayaay Kaniisada, kuwaasi oo toogashada kadibna ka baxsaday goobta ayagoo ku cararay  Mooto.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha ragga weerarka fuliyay in ay horey u sii qaateen laba qori oo nuucoodu ahaa AK-47 oo ay lahaayeen Askarta la dilay.

Mid ka mid ah Askarta la dilay waxaa laga toogtay madaxa, waxaana la sheegayaa inuu ku geeriyooday isla goobta.

Arkariga  kale ayaa lagu waramayaa inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Mombasa.

Ciidamada ammaanka magaalada ayaa wada howlo baaritaan ah ayagoo doonaya  inay gacanta ku soo dhigaan  kuwa weerarka ka dambeeyay sida laga soo xigta Mr. Larry Kiyeng.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya oo kordhiyay howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo sida ay horay saraakiisha booliisku ay u sheegeen ayaa jidgooyo waxa ay dhigteen wadooyinka laga soo galo Mombasa, si gaadiidka ay ugu baaraan, ayagoo sida la sheegay ay baadi goobayaan rag ammaanka magaalada carqaladayn kara.