Kenya oo Derbi Ka Dhisaysa Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

244
Photo/AP

 

Photo/AP
Photo/AP

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in todobaadka soo socda ay si rasmi ah u
bilaabi doonaan dhismaha derbi weyn oo laga dhisayo xadka ay la
wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagto kooxaha weerarka kaga soo qaada
gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya Joseph Nksisseryn ayaa sheegay in ay
wadaan qorshaha darbi weyn looga dhisayo xadka ay
lawadaagaan dalka Sommaaliya kaasi oo qayb ka ah amniga dalka lana doonayo
in meesha laga saaro weerarada soo noq noqday.

Joseph Nksissery ayaa shaaciyay in dhismaha derbiga laga dhisaayo
soohdinta Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan uu isbuuca dambe ka bilaaban
doono magaalada Mandheeera ee ku taalla xadka labada dal, waxa uuna intaa raaciyay in dhismaha derbiga uu wax badan ka badali doono xaalada amni ee dalka Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Amaanka dalka Kenya ayaa wayadaan dambe sii xumanayay kaddib markii ay ciidamadeda ay u dirtay Soomaaliya si ay gudaha Soomaliya ugala dagaalamaan Al-shabaab.