Kenya oo duqeymo cirka ah ka geysatay Kudhaa

205

AMISOM-Jet-fighter

Warar isi soo taraya oo laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaaraddaha dagaalka Kenya ay markale duqeeyeen dhawr saldhig oo duleedka jasiiradda Kudhaa ee gobolkaasi J/hoose ay ku lee yihiin dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamadda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 dagaalyahan, tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, kuwaasoo dhammaantood ka wada tirsan Al-shabaab.

Sarkaalku wuxuu intaasi ku daray in ragga ay duqeymaha ku dileen ay ku jireen taliyeyaal muhim u ahaa dhinaca hawlgalinta ururkaasi.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore duqeymo la beegsatay goobo ay ku tuhmayso Shabaab oo hoostaga gobolladaasi Jubaland.

Shabaab ilaa iyo imminka kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaadhay duqeymahaasi.