Kenya: Uhuru oo 55% hogaaminaya iyo Mucaaradka oo diidan

303

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aad ugu horreeya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay ee ee doorashadii shalay oo Talaado ahayd dhacday.

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada hordhaca ah ee doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Raila wuxuu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.

Dhinaca kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay.

Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Sida ay muujinayaan tirooyinka ka soo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyay marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%.

Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxaana uu sheegay in ay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Raila Odinga oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in hanaan la isku haleyn karo aysan wali ka jirin foomamka qaar, waxaana uu been iyo wax aan jirin ku tilmaamay natiijooyinka horu-dhaca ee soo baxay.

Waxaa uu ku dooday in ay jiraan foomam aan sax aheyn, sidoo kalena mishinada cod bixinta qaar ay shaqeyn waayeen, waxaa uu xusay in uu ku gacan seyrayo natiijada soo baxday ee illaa iyo hada la soo bandhigay

Mr Odinga ayaa ku baaqay in la soo bandhigo foomamka 34 A iyo 34 B ee codeynta, taasoo uu ku tilmaamayo in wax badan ka qaldan yihiin sida uu ku doodayo.

Guddiga doorashada Kenya ayaa ku baaqay in laga war sugo natiijada kama dambeysta ah, waxaana maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo.

Uhuru Kenyatta ayaa illaa hada waxaa uu Raila Odinga ka sareeyaa codod dhan 7-milyan, halka Raila uu heysto illaa 5 milyan oo cod.

Waxaa laga cabsi qabaa in rabshado ay ka dhashaan mar kasa oo lagu dhawaaqo natiijad kama dambeysta oo wali dhinacyada loolanka ka dhaxeeyo aysan ku qanacsaneyn.