Kenya: waxaanu dilnay 5 kaloo dagaalyahaniin ah

216

Dagaalyahan

Sarkaal sare oo u hadlay ciidamadda difaaca Kenya ee KDF ayaa warbaahinta u sheegay in la dilay 5 nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya, xilli ay isku diyaarinayeen inay qaadaan weerar ka dhan ah waddankaasi Ethiopia.

Hawlgalkaasi oo ay ciidamaddu ka fuliyeen magaalada Mooyaale ee xudduudda ay Kenya la lee dahay Ethiopia, waxaa kaloo gacanta lagu dhigay boqolaal kiilo oo walxaha qarxa ah iyo suuman la isku qarxiyo oo ay gaari ku wateen shaqsiyaadkii la dilay.

Sida wararka qaarkood ay sheegayaan ciidamadda Kenya oo doonayay inay qabtaan dableyda ayey dhexmartay israsaaseyn xooggan oo ay markii danbe ku dhinteen dableydaasi.

Mareykanka ayaa dhowaan ka digay in Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay la beegsadaan gudaha caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Shabaab ilaa iyo imminka kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaadhay isku dhacaasi.