Kenya:-waxaan Dilnay Rag ka tirsan Al-shabaab,

198

Sida laga soo xiganayo afhayeenka ciidamada milatariga dalka kenya ayaa sheegay in ciidamada kenya ay dileen 2-ruux oo katirsan ururka alshabab .

“kooxaha argagixisada ah ayaa weerar kusoo qaaday ciidamo katirsan booliska dalka kenya kadibna waxay isku dayeen iney baxsadaan ,booliska ayaa kadib dilay 2-kamid ah kooxahaasi halka mid kalana uu baxsaday “ afhayeenka ciidamada milatariga dalka kenya chirchir ayaa sidaa subaxnimadii saakay kuqoray bogiisa Twitter-ka.

Kenya ayaa kusheegtay mid kamid ah raga ladilay magaciisa Sheikh Hassan ‘Black’.

Waxaa jirta xaalad kacsan oo kajirta halka dilka uu kadhacay ,dadka deeganka ayaa ku eedeenaya ciidamadu iney dileen dad aan dambi lahayn .

Afhayeenka ciidamada milatariga dalka kenya ayaa sheegay in ragan ladilay ay qorsheenayeen weeraro ay kuqaadaan magalada Mandera .

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan wacad kumaray in ciidamadooda ay sii joogi doonaan Somalia tan iyo inta ay kasoo idleenayaan dagaalka kadhanka ah Alshabab.