Kenya: Xasan Xanafi oo xiran

242

Xanafi

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, nin Soomaali ah oo dhawaan xabsiga la dhigay ayaa qirtay inuu yahay Xasan Xanafi oo lala xiriirinayo dilalka suxufiyiin iyo dad shacab ahaa oo lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Sarkaalkaasi oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in kaddib baaritaano dhawr isbuuc qaatay oo lagu sameeyay ninkaasi la qabtay horraantii bishaan, magaciisana markii hore ku sheegay Yuusuf Xasan Cabdisalaam uu imminka qirtay inuu yahay Xasan Xanafi.

Booliska Kenya ayaa qorsheynaya in Xanafi loo gacan geliyo dawladda Soomaaliya oo horrey u dalbatay si uu u wajaho dacwadaha loo haysto.