Khasaaraha dagaalka Saaxdheer oo sii kordhaya

205

Cali-KhaliifUgu yaraan toban qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo kaddib markii ciidamadda Somaliland ay weerar ku qaadeen deeggaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, halkaasoo lagu waday inay ka dhacdo xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee maammulka Khaatumo, Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Taliska ciidamadda Somaliland ayaa warfidiyeenka u sheegay in hawlgal ay sameeyeen ciidamaddoodu kula wareegeen Saaxdheer, balse xildhibaan Ibraahim Guure oo ka mid ah mudanayaasha golaha barlamaanka maammulka Khaatumo ayaa beeniyay warka kasoo baxay Somaliland wuxuuna sheegay in masuuliyiinta Khaatumo ay weli ku sugan yihiin deeggaankaasi.

Somaliland ayaa dhinaca kale ku eeddeysay madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo maammulka KMG-ka ee Jubaland inay imminka hubeynayaan Khaatumo – taasoo labada dhinacba ay iska fogeeyeen jiritaankeeda – waana markii labaad oo Somaliland weerarto madal shireed oo ay lee yihiin dadka reer Khaatumo.