Khayre: Turkiga waxaan waydiisanay inay Suuqyadooda u furaan ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

299

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaal ka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo maanta ka qayb galay shirar ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay bixinta canshuuraadka.

Mas’uuliyiinta ganacsatada Shirarka labada ahaa ee ay soo agaasintay wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaarahu ganacsatada u sheegay inay bixiyaan canshuuraha.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aan sii wadi karin in Caalamka ay waydiisato caawinaad, loona baahan yahay inay Soomaaliya ay dhaqaale ahaan ay u istaagto.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wax badan qabteen muddadii dowlad la’anta dalka uu ahaa islamarkaana dowladdiisa haatan diyaar ay u tahay inay ganacsatada ka caawiso kordhinta iyo faa’idada ganacsiga.

” Mar madaxwaynaha dalka Turkiga uu i waydiiyay waxa uu inoo qaban karo waxaan ugu jawaabay Suuqyadiina u fura  ganacsatadeena” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa uu intaasi Ku daray in dowladda Soomaaliya si adag ay uga shaqayn doonto  Hormarinta ganacsiga dalka.

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sameeyay guddi maaliyadeed oo bulshada ganacsiga kala shaqeeyaa hormarinta ganacsiga.