“Khilaafka Khaliijka waxaa uu keeni karaa Cawaaqib aan loo baahnayn” Amiirka Kuwayt

483

e2b0e29a817d45238541efd561f7abc3_18

Amiirka Dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Al Axmad Al Sabaax, oo ah dhexdhexaadiyaha khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa sheegay in khilaafka ka dhex tagaan isbahaysiga GCC uu dhalin doono Cawaaqib aan loo baahnayn.

Wakaaladda wararka dalka Kuwait oo soo xiganaysa amiirka dalka Kuwait ayaa sheegaysa in amiirka uu yiri “. Khilaafkan ka taagan Khaliijka waxaa uu dhalin doonaa cawaaqib aan loo baahnayn”

Waa wax laga xumaado waxaan gacmaheena Ku dhisnay 37 sano ka hor in tan oo kale ay ka dhex dhalato ayuu sheegay Sheekh Sabaax, amiirka dalka Kuwait.

“Goob joog ayaan ahaa xilligii la aas-aasayay isbahaysiga Khaliijka waana tan keentay inaan daawan waayo Arrimaha ka taagan walaalahey dhexdooda” ayuu intaa Ku daray.

Amiirka ayaa horay u booqday dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Qadar isagoo wada dadaalo uu Ku doonayo inuu Ku xaliyo mushkiladda diblumaasiyadeed ee ka taagan Khaliijka.