Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha xiisad cusub oo siyaasadeed

143

Si lama filaan ah ayaa halmar waxaa soo baxay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Warar xog ogaal ah oo website-ka Xaqiiqa.com ka kala helay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xafiiska Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu jiro khilaaf aad u balaaran oo labada masuul u dhexeeya.

Ila wareedyadan ayaa waxa ay sheegayaan in khilaafku aloolsamay kadib markii uu iscasilay wasiirki hore ee Arimaha Amniga Cabdikariim Guled isla mar ahaantaana Raiisal wasaaraha aqbalay Madaxweynahana uu soo dhaweeyay.

Waxaa lasheegayaa in Raisal wasaaraha doonayo isagoo iscasilaadaas ka faa’iideysanaya in uu sameeyo isku shaandheyn kooban taas uu doonayo rag aysan isku fiicneen balsa madaxweynaha ay isku dhaw yihiin xaga siyaasada kuwaas oo ka mid ah wasiirada in uu meesha kasaaro si uu u muujiyo awoodiisa.

Halka madaxweyne Xasan uu doonayo rag saaxiibadiisa ah oo Cabdikariim ka mid yahay in ay soo laabtaan, Dhawr kulan oo dhex maray Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha oo ay uga hadlayeen arintaas ayaa fashil kudhamaaday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa lasheegay kulamada qaarkood in uu ka qeybgalay si uu labada masuul iskuku soo dhaweeyo balsa uu ku fashilmay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud syaa intaas kadib waxaa la sheegayaa in uu abaabulayo mooshin ka dhan ah Raiisal wasaaraha si loo ceeriyo isaga oo iska jeedinaayo xildhibaanadii mooshinka ka keenay ee doonayay in ay asaga ceeriyaan.

Si kastaba ha ahaate, dadka arimaha siyaasada uguur gala ayaa waxaa ay tilmaamayaan in khilaafka cusub uu dhaawacayo rajadii laga qabay in dowladdnimo Soomaaliyeed la helo, iyadoo niyad jab weyn ku abuureysa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaha doonaya in ay Soomaaliya ku caawiyaan in ay gaarto dowladdnimo.

Ugu danbeyn, dodobaadkan ayaa waxaa uu yahay mid isha aad loogu haayo wajiyada khilaafkan uu yeelan doono.

Www.xaqiiqa.com