Kismaayo oo shacab lagu dhaawacay qarax miino

182

Dhaawacyo2Afhayeenka maammulka KMG ah ee Jubaland, Cabdinaasir Seeraar Maax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab inay ka danbeeyeen qarax khasaare badan gaadhsiiyay 7 qof oo shacab ah, kaasoo ka dhacay xaafadda Via Afmadow wuxuuna sidoo kale ka tacsiyeeyay oo wax laga xumaado ku tilmaamay qof kale oo rayid ah oo lagu dhaawacay rasaas ay fureen askarta Burundi ee magaca AMISOM ku jooga magaaladaasi kaddib markii qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen.

Dadka dhaawacmay ayaa badankood ah xoogsato ka shaqeynayay dhisme guri ku yaala waddada uu qaraxaasi ka dhacay ee Via Afmadow, waxaana dhammaantood la dhigay cusbitaalka guud ee Kismaayo, halkaasoo ay ku booqdeen masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maammulkaasi Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ iyo saraakiil kale.

Ilaa iyo imminka ma jirto cid loo soo qabtay masuuliyadda qaraxaasi, balse ciidamadda ammaanka ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dhacdadaasi.