Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaaray Kismaayo

238
C/raxman Odawa Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya

 

odawaa

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Dowlad Gobolleedka Jubbaland wafdi heer wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo arrimaha federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

wafdigaan oo garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaaa socdaalka ujeedkoodu yahay  u guur galida dhismaha iyo qaabka loo soo xuliyo xubnaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ee laga wado degaannada jubbooyinka.

Wafdigaan uu hogaaminayo wasiir Odawaa ayaa ku sugnan doono magaalada Kismaayo muddo hal cisho ah iyagoo kulamo  la yeelan doono Madaxda Maamulka jubbaland ,waxa ayna ka wada hadli doonan arrimo ay ka mid yihiin qorshaha mideynta ciidamada iyo xoojinta xiriirka Dawladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland.