Koofi oo la kulmay dhiggiisa dalka Faransiiska (Sawiro)

168
Madaxa Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Faransiiska
Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Faransiiska

Agaasimaha   Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya  oo   ku sugan dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska.

Kulanka waxaa  goob joog ka ahaa  kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Faransiiska iyo mas’uuliyiin kale.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada  hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).

Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda labada dal.