Koonfur Galbeed: Wasiirkii Labaad oo is casilay

98

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in  maanta  uu is casilay wasiirkii Labaad ee ka mid ah maamulka K/galbeed.

Cali Aadan Macalin, wasiirkii wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ayaa ku dhowaaqay in xilkaasi uu iska casilay.

Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegay in beeshiisa aanay u qalmin xilkan loo magacaabay isaga waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waa wasiirkii 24 saac gudaheed iska casilo maamulka K/galbeed, iyadoo horey uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaadiidka.

 

Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa toddobaadkan  magacaabay qeybtii labaad ee golihiisavwasiirada.

Shalay ayaa  waxaa is casilay wasiir ku xigeen ka tirsan golaha wasiirata ee madaxweynuhu magacaabay, isla maanta waxaa iscasilay wasiir ka tirsan golaha wasiirada oo lagu magacaabo cali Aaden Macalin oo loo magacaabay wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta