Koonfur Is waraysataye, Waqooyi yaa u maqan?

573

 

 

koonfur

 

Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxaa ka dhacay, shir loogu magac daray Madasha hogaamiyayaasha oo ujeedadiisu ahayd sidii looga tashan lahaa sida ay u dhici doonto doorashada 2016 iyo hadii aanay dhici karinba. Madashan ayaa ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo 4 madaxweyne dowlad goboleed oo kala ah madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Gal-mudug Cabdikariim  Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha  Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan oo ay wehliyaan xubin ka socotay Hiiraan iyo Shabeelada dhexe iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Falanqayn kaddib, waxay go’aansadeen in la saaro guddi ka soo arrimiya qaabka ugu habboon ee doorasho u dhici karto, iyadoo shirar kala duwan lagu qabanayo maamul goboleedyada kala geddisan. Si loo soo ururiyo sida shacabka goboladaas kunool ay u arkaan in doorasho ay u dhici karto. 25-ka bisha December ayaana loo asteeyey in xog-ururinta lasoo gudbiyo oo lagu dhawaaqo qaabka doorashadu u dhici doonto. Markii sidaas la isku afgartay, ayaa waxaa soo baxday arrin aan lagu talogelin.  Nidaamkii saami-qaybsiga ee Federaalku dhigayey ayaa wuxuu meesha ka saaray laba beelood oo kala ah beesha Dir iyo beesha shanaad. Waxay iska dhex arki waayeen madasha hogaamiyayaasha. Taas oo sababtay in mas’uuliyiinta Federaalka ugu jira gobolada waqooyi gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Somaliland, ay tilmaameen sida ay uga xunyihiin waxa ka dhacay madasha. iyagoo ku tilmaamay in ay sii xoojinayso gooni-isu taaga Somaliland. Halka beesha shanaad ay walaac ka muujisay is-muquuninta cusub ee siyaassadeed. iyagoo sheegay in tallaabada ku haboon ay uga hortagayaan. Gaba gabadii ayaa la isla gartay in mas’uuliyiinta Somaliland kasoo jeeda iyo dadka midnimada aaminsanba shir wada tashi ah lagula yeesho magaalada Muqdisho si loo ogaado ra’yigooda ku saabsan doorashada 2016-ka.