Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Soomaaliya  oo ka walacsan Dhoofinta Dhuxusha

296

Deegaanadii Soomaaliyeed ee ladayacay 

War bixin ay soo saartay kooxda dabagal dhuxusha sharcidara ah ee kismayo iyo Buurgaabo laga dhoofiyo ayey ku sheegtay. In dhoofinta dhuxushu ay laban laabantay sanadihii 2016/2017 ka dib markii qiimaha dhuxushu kor u kacay suuqyada khaleejka ee dhuxusha lagu kala iibsado. War bixinta waxaa lagu sheegay in “Qiimayn ay samaysay Hay’adda  FAO oo adeegsanaysa Satalaayt ayaa waxaa lagu ogaaday in 26,000 oo goobaad oo ah goobo loo adeegsado dhoofinta dhuxusha ay ku yaaliin koofurta somaaliya”

Goobahan ayaa la adeegsaday tan iyo 2011 ilaa iyo sanadkan aynu ku guda jirno ayadoo 4,000 oo goobahaasi ka mid ah sanadkan la aqoonsaday.

Meelaha ugu badan   ayaa ahayd koonfurta Badhaadhe oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose halkan kaalinta labaad goobahaasi ay tahay meel u dhow magaalada Bu’aale ee gobalka Jubadda dhexe halkaasi oo ah meelha ay al-Shabaab maamulaan..

Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo ayaa wali ah meelaha laga dhoofiyo dhuxusha Sharci darada ah oo horay Golaha Ammanka ee QM ay u mamnuucday. Sii socoshada dhoofinta dhuxushu waxay caqabad ku noqonkartaa nabada iyo ammanka Soomaaliya oo dhan ayaa war bixinta lagu yidhi”

Kooxda in taas ku sii dartay. in11/12 June 2017,  Xubno ka tirsan kooxda Dabagalka arimaha Dhuxusha ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Eriteria ayaa kormeeray Goobo ama Xarumo dhuxusha lagu kaudiyo oo ku yaala meel u dhow dekadda magaalada Kismaayo.

Cadaymaha la helayo ayaa muujinaya in dhoofinta dhxusha Sharci darada ah ee Soomaaliya aan wax isbadel ah ku imaanin tan iyo xilligii Shaqo ee hore  ee kooxda Dabagalka Soomaaliya.

Kooxda dabagalka dhuxusha  ayaa ku qiyaasaytay jn  15 doomood oo dhuxul ah bil walbahalkaa ka baxaan  ama 135 doomood oo dhuxul sida ay ka dhoofaan dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo sanadkasta.

Doomahan  ayaa qaada qiyaastii 30,000  kiis/Jawaan oo mid kasta u dhigmo 25 Kiilo-garaam (kg) taasi oo sidoo kale u dhigmi karta in doon walba ay sidoo  750,000 kg  oo dhuxul ah.

Qiyaastii   100,000 metric tan oo dhuxul ah ayaa laga dhoofiyaa Soomaaliya Sanad waliba.Jawaan ama kiish walba oo dhuxul ah ayaa qiimo ahaan qiyaastii  suuqyada dhuxusha ka jooga $30 (Soddon Dollar)  (Arag S/2016/919, annex 9.2), qiyaastii Afar milyan oo kiish oo dhuxul ah oo qiimo ahaan gaaraya $120M (Boqol iyo Labaatan Milyan oo dollar ayaa sanad walba laga dhoofiyo Soomaaliya.

 Shabakadaha Dambiilayaasha ee dhuxusha dhoofiya, sameeyana warqadaha beenta ah.

Kooxda Dabagalka ayaa warbixin sanadeedkooda 8/11/2017 waxaa ku daabaceen qaar kamid ah raga ku can baxay sameeya warqadaha been abuurka ah ee loo isticmaalo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Ninkaas  oo lagu magacaabo Bashir khalif Mussa. Nin kaas oo ku can baxay samaynta noocyada kala duwan ee waraaqa been abuurka ah ee dhuxusha lagu geliyo dekaddaha khaleejka.

War bixinta waxaa lagu yidhi “ Isticmaalka Shahaaddooyinka iyo warqadaha been abuurka ah ayaa halbowlaha dhoofinta dhuxusha Sharci darada ah”

Warbixintu waxay in taa raacisay “:Xilliyadii hore waxaa warqadaha been abuurka ah ee dhoofinta dhuxusha loo isticmali jiray shahaaddooyinka dalalka Jabuuti, Comoros, Ghana iyo Pakistan.iwm. Hase ahaatee xilliga Shaqo ee guddiga dabagalka Soomaaliya ee hadda socda ayaa warqadaha been abuurka ah waxaa ay yihiin kuwo loo isticmaalo shahaaddooyinka ama waraaqaha dalka Jabuuti kuwaasi oo uu sameeyey. Ninka kor ku qoran. warqadahaa been abuurka ah ayaa fududeeyey mallaayiin kiish oo dhuxul sharci daro ah oo Soomaliya laga qaaday in la gaarsiiyo dekadda Khaleejka.

Baaritaano ay sameeyeen guddiga Dabagalka Dhuxusha Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in shaqsiga ama qofka halboowlaha u ah  samaynta warqadaha been abuurka ah uu yahay  Basheer Khalif Moosa, kaasi oo haysta dhalashada dalka Jabuuti, deggana magaalada Dubai (arag lifaaqa 12.2.2)”

Guddigu dabagal ku waxaa kale oo ay baadhitaan koodii ku ogaadeen in Bashir Khalif Muuse uu  sameeyo waraaqo ama dukumeeti been abuur ah oo ay isticmaalaan doonyaha dhuxusha sharcidarada ah qaada.iyada oo kooxdu heshay  warqad  been abuur ah oo dadka dhuxusha dhoofiya ay Ku diiwaan galiyeen markab laga leeyahay dalka Sri Lanka.

Guddiga Dabagalku wuxuu ogaaday  in shabakadan dambiilayaasha ah ay kala joogaan ama ku kala sugan yihiin Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

(Eeg S/2016/919, lifaaqa 9.6). Inta lagu guda jiro xilliga waajibaadka shaqo ee guddiga ayaa waxa laga yaabaa in shabakadahan dambiilayaasha ah ay isu baddallaan kuwo qaab dhismeed kale leh . Guddigu waxay ogaatay macluumaad la xiriira shirkadda All Star group, oo sidoo Kale loo yaqaano  All Star General Trading Company,  taasi oo ay ku midaysan yihiin kooxda  dhoofiyayaasha ugu waa wayn ee dhuxusha Sharci darada ah, kuwa ganacsada dhuxusha ah iyo kuw dhuxusha maalgashada oo Ku kala sugan Kismaayo iyo Dubai.

War bixinta waxaa mar lab lagu yidhi sidan “  Guddiga Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea (SEMG) baaritaanadoodii  waxaa ay Ku garteen in  Basheer Khalif Moosa,  oo haysta dhalashada dalka Djibouti  Dubai,  uu yahay ninka ugu badan ee sameeyaan warqadaha been abuurka ah ee Jabuuti kuwaasi dhuxusha Sharci darada lagu soo dhoofin jiray sanadihii 2013 and 2014”

“Warbixintii hore ee Guddidu soo saartay  sanadihii 2013 iyo 2014 waxaa Mr  Moosa  loogu gartay  inuu yahay qofka warqadaha been abuurka ah ee Jabuuti u sameeya dadka dhuxusha sharci darada ah soo dhoofiya oo ay xaruntooda ay tahay magaalada Dubai”

Magacyada Dhuxul Tahriibiyaasha ku midoobay shikadda All Star Group
Kiishka dhuxusha tahriibka ah kismayo lagaga dhoofiyo

Dowladda Djibouti oo joojisay shirkadii waraaqaha been abuurka ah ee magaceeda lagu samayn jirey.

Warbixintu waxay daboolka ka qaaday in ay la kulmeen madax kala duwan oo reer jabouti ah si ay wax uga ogaadaan waraaqaha been abuurka ah iyo cida ka danbeesa.kooxdu waxay baadhitaan koodii ku ogaadeen in Shirkad la diiwaan galiyey  2015-kii oo ay diiwaan gelisay xafiiska ganacsiga iyo warshadaha Jabuuti oo loo diiwaan geliyey nin ka lagu magacaabo  Bashir Khalif Musse (a.k.a. Basheer Khalif Moosa)  oo layidhaahdo, shirkadd  Abet – Shir Enteprise SARL (a.k.a. Abet Enterprise SARL) in loo istcmaalo samaynta waraaqaha been abuurka ah ee dhuxusha lagu geliyo khaleejka.

Shirkadaas oo Warqadda ogolanshaha shaqo ay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee Jabuuti ka joojisay bishii February ee sanadkan 2017 kadib markay cadaatay shaqada sharcidarada ah ee shirkadu faraha kula jirto.isku soo duub oo  Shahaaddooyinka been abuurka ah ee Jabuuti samayntooda waxaa mas’uul ka ah Shabakaddaan dambiilayaasha ah.

gabagadii waxaa doowlada soomaaliyeed laga doonayaa in ay qaado talaabo kasta oo lagaga hortagayo baa biinta degaanadaa la dayacay iyo dhuxusha sharcidarada ah ee kismayo iyo buurgaabo laga dhoofiyo si loo badbaadiyo dhirta yar ee weli siii hadsan.takalena dowladu waxa looga baahanyahay  in ay talaaba cad ka qaaday kooxdaa danbiilayaasha ah ee kooxda dabagalka dhuxushu magacoowday.

Waxaa isku dubariday qoraayaasha kala ah

Mr.Jibriil Abraar and Ali Guulled