In ka badan 90 qof ayaa geeriyootay in ka badan 100 kalena Waa ay dhaawacmeen ka dib shil Tareen oo maanta ka dhacay gobalka ugu Wayn ee dalka Hindiya ee Uttar Pradesh.
Tareenka shilka galay ayaa ka soo cambabaxay magaalada Waqooyi Barri wadanka Hindiya Ku taala ee Patna, kuna sii jeeday magaalada bartamaha Ku taala ee Indore.
Daljit Singh Chawdhary, Madaxa Ciifamada kayd-ka ee Uttar Pradesh, ayaa Wakaaladda warka AFP u sheegay in dhimashadu ay haatan gaarsiisan tahay 91 qof, inkastoo qasaaraha halkaasi uu kasii badan karo.
Ciodamo, Dhaqaatiir iyo kooxo ka socda Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa gaaray goobta shilka uu ka dhacay, ayagoo halkaasi ka wada howlo samatabixin ah.
Goobta shilkan uu ka dhacay ayaa waxaa Caasimadda New Delhi ay u jirtaa 450km.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Hindiya ayaa xaqiijiyay musiiban inay tahay mid aad looga murgoodo, isagoo sidoo ka tacsiyeeyay dadka ku geeriyooday shilka Tareenka.
Tareenka shilka galay ayaa Lagu magacaabi jiray Patna-Indore Express.
Wadanka Hindiya ayaa ah wadanka Labaad ee ugu dadka badan Caalamka, waxaana uu ka mid yahay wadamada dadkiisu ay ugu isticmaalka badan yihiin Tareenka
Maalin walba waxaa la sheegay in ay ku safraan dad kor u dhaafaya 20 million oo ruux.