Kulan Lagu Hormarinayo Xeer Dhaqameedka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho

302

JIMCO, Disembar 18 (XT):  Kulan lagu soo noolaynayo xeer dhaqamadeedka Soomaaliyeed  oo spic 4ocday intii u dhaxeysay 15 –18kii bishan Disembar kaasoo ay ka qeyb galayeen odayaal dhaqameedyo magac iyo maqaam ku dhex leh bulshada dhexdeeda ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo sharciyo yaqaano ka socday hay’ada Caalamiga ee dhinaca Sharciyada (IDLO) oo gacan dhaqaale ka helaya Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

Kulankaan ayaaa daba socday kulamo isdaba joog ahaa oo ay Wasaaradda Cadaaladu ku qabatay degmooyin kala duwan taas oo ay ugu kuur galaysay dowrka uu dhaqanka soomaaliyeed ku leeyahay xalinta khilaafaadka iyo sidii go’aamada xeer biigtidu uga mid noqon lahaayeen hanaanka Garsoorka dalka iyo sidoo kale siduu Dastuurka gabyo qoraalka ahi uu u aqoonsan lahaa muhiimada uu leeyahay hanaan dhaqanka ku xalinta khilaafaadka iyo dib u soo celinta dhalinyarada ka soo laabanaya dagaalada looguna soo celin lahaa bulshada iyadoo la isticmaalayo XEER DHAQAMEEDKA SOOMAALIYEED (Customary Justice System) ay garwadeen ka yahiin odayaasha dhaqanka ee heer degmo.

Kulanka ayaa odayaal dhaqameedyadu ku lafa gureen, xeerka Dhaqanka, Qaanuunka dalka iyo dowrka dhaqanka ee xalinta khilaafaadka qabaa’ilada iyo jifooyinka, waajibaadka qabiilka ee xeerka dhexdiisa,Xaquuqda iyo ka wada qeyb-galka geedi socodka iyo go’aannada xeerka ee kooxaha bulshada oo dhan, hagaajinta hanaanka garsooranimo ee dhaqanka si dadweynuhu ugu kalsoonado una aqbalo go’aanada ay gaarayaan xeer beegtidu.

Ugu danbeyntii, odayaasha dhaqanka ka qeyb galay kulankaan la tashiga ah ayaa ku taliyay in la mideeyo, lana qoro xeerka dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana la isku xiro XEER DHAQAMEEDKA iyo SHARUUCDA dalka, waxeyna odeyaashu soo jeediyeen in la dajiyo istaraatejiyad qoran oo ku wajahan Xeer Dhaqameedka.