Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Beyle, ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo dhaqan galin lahaa shaciga Isgaarsiinta dalka.
Chairing a meeting on revenue implications for newly passed Telecommunications Law. Domestic revenue generation a priority @MofSomalia pic.twitter.com/PdRcqdJvLm
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) October 22, 2017
Sharciga Isgaarsiinta ayaa horay waxaa u meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo haatan sharci noqday ka dib markii dhowaan uu saxiixay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.
Soomaaliya ayaa waxaa sharciga Isgaarsiinta la’ayd tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii.
Waxaa Soomaaliya lagu tilmaamaa dalka ugu hormarsan dhanka Tignoolajiyada inkastoo internet ka Soomaaliya uu ka mid yahay kuwa ugu qaalisan Caalamka.