KULAN MAANTA KA DHACAY XARUNTA XALANE EE CIIDAMADA AAMISOM OO MADAXWEYNE XASAN KA QEYB GALAY

212

MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay shir lagu qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane taa oo ku taalo Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, ayaa qaabili doono Saraakiil ka socoto Wadamada Soomaaliya ka caawinaaya Barnaamijka New Deal, oo ah mid uu Caalamku Somaliya ku gaarsiinaayo sanadka 2016-ka Doorasha xor ah oo Dalka ka dhacdo, taas uu qof walba u codeyn doono cida uu dooranayo.

Iyada oo Beesha Caalamka, ay  horey u soo jeedisay in sanadka 2016-ka ay Doorasho dadweyne ka qabsoonto Soomaaliya, isla  markaasina laga shaqayn doono dhameystirka Dastuurka Fedaraalka ee Soomaaliya, iyo sidoo kale dhaqangelinta Federalism-ka, samaynta Maxkamad Dastuuri ah iyo Dhismaha Guddiga Adeega ee Garsoorka.

Ilo muhiim ah, ayaa Xaqiiqa.com u sheegay in Wasiiro ka tirsan Xukuumada, ay   Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlinayeen  kulanka ka dhiciay manta Xalane.

Wasiirada ku wehlineyay  kulankaan, ayaa waxaa ka mid ahaa oo laga  xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federalism-ka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Cadaalada & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Nadiifa Maxamed Cismaan.

Si kastaba ha ahaate, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili wadanka Soomaaliya uu ku suganyahay xaalad adag taas oo ah baaq kazoo yeeray qaar ka tirsan Xildhibaanada Dowlada Federalka ee Soomaaliya.

Iyaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu is casilo ka dib markii ay sheegeen in uu ku fashilmay howlihii loo doortay.

www.xaqiiqa.com