Kulanka Golaha Wasiirada oo maanta ka dhacaya Baydhabo

239

Kulanka Khamiislaha ah ee  golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Maanta ka furmo Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Shirka golaha wasiirrada ayaa la filayaa in looga hadlo ajandayaal dhowra oo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla xukuumadda, la dagaallanka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Magaalada Baydhaba ayaa haatan waxaa ka soconaya qaban qaabada shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay.

13-kii July ee Sanadkan 2017-ka ayay ahayd markii sidan oo kale uu shirka golaha wasiirrada Soomaaliya ka dhacay Magaalada Kismaayo.