Kulanka sanadlaha ah ee Warbaahinta iyo dowladda oo Muqdisho ka dhacay

192

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  maantga kulan looga hadlayey wada-shaqeynta warbaahinta dawladda la qaatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka sanandlaha ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Warbaahinta Soomaalida, waxa uu ahaa kulan ka duwan kuwii hore, wada hadal qaatay muddo ka badan afar saacadood ayaa dhexmaray labada dhinac. waxaa joogey madaxda NUSOJ.

Waxaa la iska wareysanayey waxyaabaha iska baddelay wada shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, horumarka la sameeyey iyo in dowladdu ay ka jawaabto walaac ay dhinac kala duwan ka qabaan saxafiyiinta Soomaalida, iyadoo ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ah ee la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah Saxafiyiina dunida.

Kulanka, waxa uu madaxweynuhu ugu yeeray wasiirradiisa Warfaafinta, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, si ay u dhageystaan cabashooyinka ay qabaan warbaahinta oo arrimo amni u badnaa, dowladda ama golyaha nabadda diiddan.

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horreyn la hadal u jeediyey qeybihii warbaahinta ee kulanta timdi, ayaa ku ammaanay doorka ay ka qaataan soo bandhiggidda horumarka dalka, iyagoo ku shaqeeya xaalado adag, waxa uu sheegay in dawladda aysan marnaba raali ka aheyn tacidyadaha ku dhaca saxafiyiinta, kuwa ay geystaan nabad-diidkuna laga qaadey tallaabooyin adag,  isla markaana  la marsiiyey caddaaladda.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la soo afrajo la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka Suxufiyiinta, laakiin waxaa waajib ku ah warbaahinta inay  ummadda wacyigooda wax ka badelaan oo ay ku hoggaamiyaan in dalkooda dhistaan, jeclaadaan, nabad-galyada iyo horumarka bulshaduna ay ka shaqeeyaan, si ay dawladdu ugu fududaato shaqadeeda” ayuu yiri madaxweynaha.