Kumuu ahaa Kaddare?

398

KaddareAlle ha u naxariisto Xuseen Kaddare oo ahaa qoraa, suugaanyahan, nin ka shaqeeya horumarinta af-Soomaaliga iyo cilmbi-baarista dhaqanka iyo hiddaha wuxuu koowdii Febraayo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay geeridiisa ayaa sheegay in lagu xusuusan doono kaalintii uu ka soo qaatay halgankii gobannimo-doonka iyo gacantii uu ka geystay in la qoro far-Soomaaliga.

Xuseen wuxuu 1952-kii ku fikiray inuu soo saaro far Soomaalida u gaar ah oo markii dambe isaga loogu magac-daray loona bixiyay ‘Kaddariya’.
Dowladdii ugu horreysay ee kumeel-gaarka ahayd ee loo dhisay Soomaaliya markii uu burburka dhacay 1991-kii wuxuu ka noqday wasiirkii warfaafinta.

Wuxuu qoray sheeko caan ah oo lagu magacaabo “Warsame iyo Waasuge, wuxuuna allifay ruwaayado dhowr ahaa.

Wuxuu la soo shaqeeyay Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta.

Kaddare wuxuu ku dhashay miyiga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe 1934-kii.