Labada Aqal ee Baarlamaanka oo meel mariyay 6 qodob

407

Xildhibaanada labada Aqal  ee dowladda federaalka Soomaaliya oo kulan looga hadlaayo arimaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kuleh Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen 6 qodob oo kala ah.

1-In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqdaan 16 mudane , 10 ay ka imaanayaan golaha shacabka , halka 6-da kalena  ay ka imaanayaan Aqalka Sare.

2-In Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha.

3-In ciidamada Ammaanka ee xaqiijinaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan gudoonka Baarlamaanka.

4-In Lacagaha laga qaado Musharaxiinta qeyb ka mid ah in lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

5-In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha la weydiiyo su’aallo dood wadaag ah .

6-In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuq maasuqa.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dhowaan ku dhawaaqi doona xubnaha guddiga.