Labo xildhibaan oo lagu doortay Cadaado

268

Doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug ayaa maanta oo tallaado ah  ka dhacday degmada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Doorasho oo dhacday  8-dii subaxnimo ee maanta ayaa  waxaa kursiga Beesha H/gidir, gaar ahaan Cayr Bari ku guuleystay C/xakiin Macalin Axmed oo helay 40 cod.

C/xakiin Macalim Axmed, oo ahaa Wasiir ka tirsan GalMudug ayaa  kursiga uu ku guulaystay waxaa ku fadhiyay Cabdisamad Mcalim Mxamuud oo horana u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Xuseen Weheliye Cirfe oo ah gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa kamid ahaa murashixiinta kursigaan ayaa is-casilay ka hor doorashada.

Doorashada Kursiga labaad ee maanta la qabtay oo ahaa Kursiga Beesha Shiikhaal,  ayaa waxaa ku soo baxay Cali Axmed Shariif (Cali Yare), isagoo helay 49 cod, waxaa uu ka guuleystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/risaaq Axmed.

Cali Yare oo ah nin dhalinyaro ah ayaa cilmiga siyaasada ku soo bartey wadanka Ingiriiska.

Labada Kursi ee maanta la doortay ayaa tirada xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug waxay ka dhigeysaa 32 kursi, waxaana u harsan afar kursi oo lagu wado in maalmaha soo socda la soo dhameystiro.