Abuu Cubeyd oo abaalmarin badan lagu doonayo

211

Abuu-Cubeyd1Taliyaha laanta sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee NISA, Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in cid kastoo gacan ka geysata dilka ama soo qabashada hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab, Sheekh Mahad Cabdikariim oo sidoo kale loo yaqaano ‘Abu Cubeyd’ la siin doono laba milyuun oo dollar oo abaalmarin caddaaladeed ah, sidoo kalena ay ballanqaadayaan sugidda ammaanka guud ee shaqsiyaadkaasi.

Hadalkaasi, taliyaha NISA ayaa lagu soo beegay maalin kaddib markii war qoraal ahaa oo kasoo baxay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay si rasmi ah loogu shaaciyay in iyaga oo tixraacaya qaraarada 751 iyo 1907 ee soo baxay sannadyadii 1992-kii iyo 2009-kii, kuwaasoo dhammaantood si gaar ah ugu saabsan arrimaha Soomaaliya uu meel mariyay goluhu in lagu daro Sheekh Mahad Cabdikariim taxa madow ee waxa loogu yeero ‘kooxaha argagixisada’ waxaana lagu soo rogay xayiraado dhinaca hubka, dhaqaalaha iyo socdaalka ah sida ku xusan cutubka 7aad farqaddiisa 1aad iyo 3aad ee axdiga golahaasi.

Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa dhowaan hoggaamiye u doortay Abu Cubeyd oo mar ahaan jiray guddoomiyaha gobollada Baay iyo Bakool ee ururkaasi.