Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa maanta booqday dadkii Ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ay Ku qaadeen Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo.
Eng Camay ayaa sheegay in dadkadhaawacyada nculus qaba inay u qaadi doonaan dalka dibadiisa, si loo soo daaweeyo.
Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen halkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 15 qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Halkan ka dhagayso codka Eng Camay.