Ma beddel Madaxweyne mise beddel Maskaxeed?

314

Waxaan u baahannahay Madaxweyne daacad ah, damiir leh, oo aan hantida dalka ku tagrifalin dalal shisheeyana aan ka amar qaadan ayaa ka mid ah waxyaabaha ay dadweynuhu ayaamahaan ku muujiyaan ra’yigooda ku aaddan qofka ay jeclaan lahaayeen inuu Madaxweyne u noqdo. Dadka haddaba sidaas wax u jecel waxaan u kala qaybin karnaa 2 qaybood:

dad niyad wanaagsan oo qaarkood niyad-samidoodu xadka ka baxday (Naivity) una hammuun qaba Madaxweyne daacad ah oo ummadda midnimadooda soo celiya dhibka haystana ka saara.
dad la is dhihi karo ama ayba ahayd inay xaaladaha adduunka iyo kuwa dalkaba si habboon ula socdaan hase yeeshee xayaabo indhaha ka saaran tahay ama iyagu iska saaray, oo u arka inaan Soomaaliya wax wayniba gaarin oo dagaal yar oo koobani (Dagaal Sokeeye ayay ugu yeeraan) uu Soomaaliya ka dhacay haddana xaaladdu ay ka soo raynayso oo haddii barnaamij hagaagsan la helana wax kasta sidoodii iyo si ka fiican inay ku soo noqonayaan.

Naxariista Ilaahay inaan laga quusan waa arrin iimaanka la xiriirta, nolosha bani’aadamkuna waxay ku dhisan tahay u hanqaltaagga deeqda Rabbi ee aan dhammaadka lahayn. Ha yeeshee taas macneheedu maaha in aad arki weydo ama iska indhotirto xaaladda dhabta ah ee aad ku nooshahay iyo tan kugu hareereraysan adigoo marmarsiinyo ka dhiganaya; Ilaahay waxba kuma aha inuu si fudud wax ku beddelo adigoo is illowsiinaya in is beddelka dhanka Eebbe ka imaanaya (xumaan iyo samaanba) uu ku xiran yahay is beddel marka hore qofka ama bulshada ka yimaada. Haddaba si aynnu is beddel ula nimaadno waa inaynu, inagoo taas ka shidaal qaadaneyna, xaaladdeenna waqtiga xaadirka ah hoos u eegnaa. Innagoo aan eegin dhibaatooyinka kale ee ina haysta, bal aynnu milicsanno doorashada aan ka sugeyno inay inoo dhasho Madaxweyne duco qabe ah:

waa doorasho ka dhaceysa teendho dalka ku dhex taal ha yeeshee aan dawladda dalka ka jirtaayi gacanta ku hayn oo xataa laga yaabo, iska daa ka soo qaybgelayaashee, in xataa murashixiinta iridda hore loo diido haddii warqad yari ka qaldanto.
in qaabka ay u dhaceyso iyo asaaskeeduba uu aad iyo aad uga duwan yahay ugana fog yahay doorashooyinka caadiga ah ee dunida ka dhaca.

Haddaba innagoo labadaas qodob ee doorashada la xiriira ka duulayna, waa inaynaan riwaayad isu dhigin oo aynaan boor iyo ciiro isku qarin iskana dhigin dal iyo dad caadi ah oo kala dooranaya Murashixiin aan mid walba ku qiimeynayno aqoontiisa iyo hawlkarnimadiisa qofeed oo hawshoodu tahay horumarinta iyo kor u qaadista wixii hore loo sameeyay.

Taas beddelkeeda, waa inaan xaaladda dhabta ah ee dalkeenna iyo dakeenna si dhab ah u eegnaa innagoo aan indhaha is tirin oo aan boor iyo habaas isku qarin. Xaaladdeenna dhabta ah waxaan ku soo koobi karnaa labadaan qodob:

A: dal iyo dad burburay oo salka hoose ka jooga dhammaan halbeegyada

aafooyinka adduunka sida saboolnimada, musuqmaasuqa, burburka, ammaan xumada, kala qoqobnaanta iwm dhisid iyo kalsooni soo celin dhab ahna u baahan
baarlammaanka Madaxweynaha dooranaya oo aan dhammaanteen ka dheregsannahy sida ay ku yimaadeen (Allow ceeb astur).

Haddaba, waxaan sinnaba isu qaban karin oon sinna la isu saari karin, in dal xaaladdiisa iyo qabka ay doorashadiisu u dhacaysaba ay sidaan kor ku sheegnay yihiin, uu Madaxweyne badbaadiye ahi doorashadaas ka soo baxo waayo qof xaaladda aan kor ku soo sheegnay lagu doortay (siduu doono ha u wanaagsanaadee) dalkaan is beddel dhab ah kama samayn karo haddii aan dadku iyagu marka hore is beddel la imaan (dhawr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ee dalkeennu burbursanaa immisa Madaxweyne ayaan soo doorannay?). haddaba sidee dadka lagu beddeli karaa ayay tahay suaa’sha is weydiinta mudan. Jawaabtu iyana waa fududdahay, waxayna ku kooban tahay:

in marka hore, la ogaado oo gaws dambeedka lagu qabsado in Madaxweyne la beddelo ama kii horoo la soo celiyo uusan wax la sheego ku soo kordhinayn kana beddelayn xaalka dalkaan haadaanta ka sii dhacaya. Maleawaalladaasina ay dhaan dabagaalle yihiin, dhaan dabagaallana lama gaaro. Madaxweyne kasta oo yimaada (ama kii hore oo soo noqdaba) xaaladdiisuu waxay noqon doontaa sidii horay loogu yaqaannay “Business as usual” shaqooyinkiisa ugu horreysaa waxay noqon doonaan fulinta ballanqaadyadii xildhibaannada, tartamayaashii ay xulufada ahaayeen, qaandaraaslayaashii maalgelinta wax ka bixiyay, dawladihii hiil iyo hooba la garab istaagay, dullaalleydii iyo mallaalleydii iwm. Waxaa taas xigi, doorashadii Raii’salwasaaraha iyo golihiisa wasiirrada (iyo beddelistooda aan dhammaadka lahayn), mooshinnada aan iyaguna dhammaadka lahayn, dhibaatooyinka maamul goboleedyada, oday dhaqameedyada, 4.5ka iwm.

in marka arrimahaas kore la iogaado oo la isku raaco oo la isla oggolaado lagu dhaqaaqo sidii 4ta sano ee soo socota, Madaxweynuhu hawlihiisa kore ha isaga mashquulsanaadee, dadka iyo dalka loo badbaadin lahaa oo maskaxda waxa uga buuxa ee qabyaaladda, qof jecleysiga, is nacaybka, kala qoqobnaanta, sheeko xariirta, meel dhow wax ka eegista, 4.5ka iwm loogu sheegi lahaa inay yihiin waxyaabaha asaaggeen inaka reebay oo fursadda kaliya oo aan haysanno ay tahay inaan arrimahaas iyo kuwo kale oo badanba aan qashinka ku tuurno oo gubno.

Haddii aynaan sidaas yeelin, 4tii sano ee la soo dhaafay ayay afarta sano ee soo socotaa la mid noqonaysaa, halka aan maanta joogno meel ka sii liidata ayaynuna ka bilaabi doonaa innagoo weli rajo ka qabna in Madaxweyne Khadar ah la inoo doorto 4 sano ka dib. Guntii iyo gebagabadii, sida aynnu maanta u wada sugeyno oo dhegta ugu taageyno in xildhibaanno aynnu illownay (ama is illowsiinnay) sidii ay ku yimaadeen, ay Madxweyne hal-doora inoo ku doortaan teendho shisheeye inoo diyaariyay (ka dib markii aynnu innagu iska shakinay), si sidaas le’eg waa inaynu ugu diyaargarownaa olole ballaaran oo is beddel bulsho oo dhinac kasta ah

faahfaahintiisana aynnu qaybaha dambe ku falanqayn doono haddii RABBI idmo.”

Akhriste warbixintan waxaa la qoray doorashada madaxwaynaha ka hor

Cali M. Cusmaan alisom3@gmail.com