“Ma ihi musharax koox gaar ah” Xasan Sheekh oo ku olalaynaya Facebook (Daawo)

443

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muuqaalo video ah oo uu uga hadlayo ololihiisa doorashada soo dhigayay Bartiisa Facebook, iyadoo saacado ka hor la soo dhigay muuqaalkii ugu dambeeyay ee uu ku cadeynayo in aanu aheyn Musharax ay wadato koox gaar ah.

“Doorashada 2016 wado dheer ayay soo martay, anigana muddo dheer ayaa inaan musharax ahay ka soo hadlay, maanatana inaan mar kale ku celiyo ayaa rabaa inaan murashax u ahay kursiga madaxweynaha jamhuuriyada, waxaa rabaa inaa ku daro oo aan dadka Soomaaliyeed u cadeeyo, koox gaar ah murashax uma ihi, beel gaar ah murashax uma ihi, deegaan gaar ah iyo dowlad goboleed gaar murashax uma ihi, waxaa murashax u ahay dhamaan Soomaalida Soomaaliya, dalka iyo dibadiisa ku nool ee ku abtirsada Soomaalinimada, intaas ayaa mas’uuliyada shalay u qaaday, afarta sano ee la soo dhaafay u hayay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu codsaday in mar kale fursad loo siiyo, isagoo mar kale ka dhawaajiyay hal heyskii uu horay ka dhawaajiyay ee ahaa qabyo ninkeeda dhameystira, oo ugala jeeday wixii qabyo ah uu rabo inuu dhameystirayo hadii uu mar kale guuleysto.