Ma Ogtahay Madaxweyne?

754

Mudane mala socotaa in dalka Kenya maalin kasta ay ka soo duulaan 5 diyaarad oo sida 600 oo jawaan oo qaad ah iyadoo halkii jawaanna Muqdisho oo kaliya lagu gado $400, taas oo wadarteedu tahay $400 X $600 = $240,000 maalintii, bishiina ay noqoneyso $7.2 milyan.

Gobollada koonfurta oo keliya ayaa la sheegayaa mudane in wadarta guud ee dhaqaalaha ku baxa qaadka Kenya ka yimaada uu gaarayo $12 milyan bishiiba.

Khubarrada dhaqaalaha makuu sheegeen ustaadow khasaaraha dhaqaale ee Soomaaliya soo gaaraya bil kasta iyadoo doolar xaddigaan leh dalka laga saarayo, shilin Soomaalina uusan jirin, Kenyana hadda ay joojisay xawaaladihii?

Xasuusin: Dalka Kenya qaadka cunistiisa waxaa la oggol yahay 5:00 galabnimo ilaa 10:00 habeennimo oo kaliya sida sharci lagu soo saaray.

Madaxweyne waxay dowladda Kenya go’aamisay in la dhiirrageliyo yareynta cunista qaadka gudaha Kenya, isla markaasna la dhiirrageliyo dhoofinta qaadka iyadoo loo dhoofiyo Soomaaliya oo kaliya kaddib markii laga joojiyay dhammaan dalalkii kale ee Yurub iyo Ameerika.

Madaxweyne ma laga yaabaa inta aad madaxweynaha tahay in aad soo saarto go’aamo amuurtaan aad wax uga qabaneyso si carruurta aad awoowga u tahay mustaqbalka aad uga badbaadiso cunista daroogada cagaaran?