Ma Ogtahay Madaxweyne!

654

Ma og tahay Madaxweyne in Xerada Xalane gudaheeda ay deggan yihiin in ka badan 20 shirkadood oo shisheeye ah oo qaata qandaraasyo fara badan, kuwaas oo dhaqaalaha ka soo xarooda la geeyo dalal kale.

Ustaadoow lataliyeyaashaada dhanka amniga makuu sheegeen in Shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin Supreme, Bancroft, RI International, SKA, iyo kuwa kale oo badan in ay dalka dibadiisa ka keenaan shaqaale xoogsato ah, kuwaas oo ku shaqeeya xirfado ay ka mid yihiin Nadiifiye, Cunto Kariye, Adeege iyo waardiye. Dhammaan hawlahaas waxaa qaban kara dadka Soomaaliyeed, balse bedelkooda waxaa ka shaqeystaan shaqaale laga keenay dibadda.

Ma og tahay madaxweyne haddii shirkadahaas iyo shaqaalahooda mushaarkooda canshuur laga qaado in ay bishii ka soo xaroon karto lacag mushaar ugu filan ciidanka Boosliiska Soomaaliyeed, mase la socotaa in shaqaalahaas aysan wax lacag ah dalka soo gelin oo ay jiiftaan teendhooyin ay gudaha ka dhisteen.

Madaxweyne sow ma ogid in shaqaalaha Soomaaliyeed oo baahan in shaqaale dibadda laga keeno ay tahay xadgudub dastuuri ah, mase og tahay in shirkadaha shaqaalaha dibadda ka keeno aysan qaarkood dalka xitaa si sharci ah uga diiwaan gashanayn taas oo ah xadgudub qaran iyaduna.