Ma runbaa in baarlamaanka Soomaaliya durba mooshin la hor-keenay

323

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la  sheegay inay diyaarinayaan mooshin cusub oo ay ku dalbanayaan in la fasaxo shan xubnood ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay caasimadaha maamul govaleedyada dalka ka jira.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku diyaarinayaan mooshin cusub, haddii baarlamaanka aan loo ogolaan shan xildhibaan.

Xildhibaanada waxay soo jeediyeen inay haboon tahay inaan dib loogu laaban doorashada xildhibaanadaasi, islamarkaana loo ogolaado inay kasii mid ahaadaan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in mooshinkooda uusan aheyn mid wax duminaya, balse ay doonayaan in xildhibaanada aan marnaba laga reebin xubnaha cusub ee gudanaya waajibaadka loo xilsaaray.

waxa ay soo jeediyeen in go’aanka xildhibaanadaasi lagu soo celinayo ay tahay in  loo daayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, si ay go’aan kaga gaaraan xildhibaanada doorashadooda murunka ka taagan tahay.

Hadii mooshinkan uu rasmi noqdo waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub uu guda galo.

Xildhibaanada hadii ay u codeeyaan in lasoo cilinayo xubnahaasi waxaa meesha ku baabi’i doonaa go’aankii madasha hogaanka qaranka.

Ayadoo xildhibaanada iyo baarlamaanka cusub ay hor yaalaan arrimo badan oo muhiim u ah dalka oo ay ka mid yihiin go’aaminta xiliga ay dhacayso doorashada madaxwaynaha ayaa hadana waxaa ay ku mashquulayaan arrimo dib loo dhigi karo