Maalgashi Baaxad Weyn Leh oo Kusoo Wajahan Soomaaliya

574

Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Xaqiiqa Times helay ayaa sheegaya in shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaaliyeedba ay u diyaar garoobayaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dalka Soomaaliya oo indhaha caalamka ay haatan kusoo jeedaan kadib markii la ogaaday in dalku yahay mid leh khayraad badan bad iyo barriba. Shirar badan oo maalgashiga Soomaaliya ku saabsan ayaa sanadihii dambe la qabanayay oo uu ugu dambeeyay shir dhawaan ka dhacay dalka Kenya & Sweden.

Axmed Cali Galool waa khabiir Arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga oo in muddo ahba ka shaqeynayay Soomaaliya, xog ogaalna u noqday shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawl gala. Wargeyska Xaqiiqa ayaa la yeeshay waraysi uu kaga warramayo fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo sida haatan loogu diyaar garoobayo. Wareysigana waxa uu u dhacay sidatan;

Xaqiiqa Times: Mudane Galool makula tahay in Soomaaliya guud ahaan iyo Muqdisho gaar ahaan xilligan la joogo la maalgashan karo?

Axmed Cali Galool:Haa, waa la maagashan karaa waayo waxaa jira isbadal siyaasaadeed, mid amni iyo mid isdhexgal bulsho. Muqdisho berigii hore xaafadaha ayaa kala xirnaa oo maleehsiyaad ku dagaalamayeen. Hadda arrintaas waa laga gudbay. Magaalada way isu furantay. Soomaali badan oo qurbaha ka timid ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Huteello fiican, internet diyaar ah, duulimaadyo Diyaarado caalami ah iyo badeecooyin toos dalka loo keeni karo iyaga oo aan meelo kale lagu soo rogin ayaa jira. Soomaaliya waxa ay mareysaa xilligii ay maalgashan lahaayeen qurba joogta u dhalatay iyo shirkado ajnabi ah labaduba.

XT: Marka aad si fiican ugu kuurgashay dhinacyadee ayaad isleedahay waa la maalgashan karaa?

Galool: Soomaaliya waa dal dihan oo dhinac walba laga maalgashan karo. Balse dhinacyada hadda furan ee maalgelin u baahan waa Beeraha, dhismaha guryaha, dhismaha wadooyinka iyo kalluumeysiga. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la helo huteello loogu talagalay dalxiisayaasha oo aan isleeyahay haddii nabadda hada jirta lasii xoojiyo in dalka ay imaan doonaan dalxiisayaal badan oo daafaha dunida ka yimaada gaar ahaan Qurbo joota.

XT: Waxaad ka timid oo muddo dheer aad daganeyd Sweden, waliba aad ganacsi  ka bilowday. Ma isleedahay Jaaliyad xooggan oo dalka wax kusoo kordhin kartaa ayaad uga soo tagtay dalkaas?

Galool: Sideedaba qof qof waxba kuma maalgashan karaan. Laakiin hadii ay isu tagaan oo iskaashi iyo wadajir muujiyaan wax wayn ayay dalka ka qaban karaan. Waana midda aan dooneyno inay walaalaheenna qurbaha jooga ay nala fahmaan. Soomaaliya waxa ay u baahantahay dadkii 25 sano ka hor ka qaxay inay soo laabtaan maadaama duruufihii dalka ay isbadaleen. Lama huraan waa cawska jiilaal, Soomaaliyana waa meesha aysan huri doonin qurba joogta ku nool Yurub, Amerika ama meelaha kale.

XT: Malgashi-wadareedka waxa uu u baahanyahay in la helo dad lagu aamini karo lacagaha la isku darsanayo. Ma ka jirtaa Soomaaliya dad ama hay’ado lagu aamini karo lacagahaas?

Galool: Dhawr shirkadood oo aay ugu horeeyaan teamkii Al Barakaat ayaa jira  oo  bilaabay tusayna ummada Soomaaliyeed  in la isaamino waxna la iskudarsado Faaiidona la soosaaro . In la is aamino waxa ay xoojineysaa in wax la wada qabsado. Waxaan ku baraarujinaynaa dadka soomalaiyeed in wadajir iyo wax wada qabsi ay tahay dhabada kaliya ee dalkan lagu hormarin karo. Lacagaha dibadaha aad dhiganeysaan waxaa idinka roon in aad dalka ku maalgelisaan. Shirkaddii Al Barakaat waxa ay bilowday hannaan aan hore dalka uga jirin, wayna ku guuleysatay in Soomaali la tuso in ay is aamini karto, waxna isku darsan karto. Laakiin dhibka qabsaday ayaa ahaa in lacagihii bannaanka yaallay la xannibay oo shirkaddii la curyaamiyay kadib markii la arkay in Soomaali kaligeed  wax wada qabsan karto.

Shirkadaha ugu waa weeyn ee soomali oo dhan wada leedahay waxaa u horeeya Hormuud Telecom, Telesom iyo Golis Telecom oo runtii dhiirrigelinaya in wax la isku darsan karo oo la is aamin karo.

XT: Xawaaladihii Soomaalida ay ku lahaayeen Britain iyo Mareykanka waa la joojiyay. Saameyn intee la eg ayay ku yeelan kartaa maalgashiga?

Galool: Waxa ay ku yeelan kartaa saameyn wayn oo dhibaatadeeda wadata. Waa adiga oo faleembadii dhiiga jirkaaga gaarsiineysay lagaa siibo. Ugu horreyno waa in la helaa Bangi dhexe oo xoog badan kaasoo leh shuruuc lagu daba geli karo in lacagaha dibadda ka imaanaya la ogaaado meesha ay ku socdaan. Hay’adaha lacagaha dabagala ee Mareykanka iyo Britain waxa ay leeyihiin Soomaalida qaab sharciga waafaqsan uma adeegsadaan Xawaaladaha. Waa hadal mudan in laga garaabo. Si dhibaadataa looga gudbo waa in Xawaaladaha isbarbaryaacaya loo sameeyo shuruuc ay ku dhaqmaan oo uu kor kala socdo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo aad mooddo in uu ku haawlanyahay Hirgalinta shuruucda & nidaamyadaas.

XT: Yaa ka masuul ah xayiraadaha la saaray Xawaaladaha?

Galool: Soomaalida iyadaa ayaa caqabad isku ah. Waagii hore waxaa jiray shirkado kooban oo dalalka ay ka shaqeeyaan si sharci ah isaga diiwaangeliyay, raacana sharciyada maamulka maaliyadeed ee dalalkaas. Waxaa yimid kuwa aan sharci dhaqan galineynin. Sidoo kale waxaa khaldan sida loo maamulo xawaaladaha. Isbarbaryaacaas waa in laga gudbaa oo ay hal ama laba shirkadood isugu geeyaan awoodooda. Markii aan annaga isa saxno, kadib waxaan heleynaa in dadka kalena na aqlabaan oo adeegyada aan umadda u qabanno nalagu ixtraamo.

XT: Sidee dhibkaas looga gudbi karaa oo Xawaaladaha dawrkooda mar kale ay u heli karaan?

Galool: In la raaco sharciyada dalalka martida loo yahay waa arrin aad muhiim ah oo ay mar walba dadka Xawaaladaha ku shaqeysta ka weecdaan. Waa in shuruucda dalkaas sida ay yihiin loo dhaqangeliyaa.

Dalalka Scandanavian-ka si guud iyo dalka aan ka imid ee Sweden si gaar ah, waxaan dareennay in loo baahanyahay qaab looga gudbi karo sida xawaaladaha u shaqeyaan. Annaga oo taasi ka duuleyna ayaan sameynay shirkad  Aman Finance la yiraahdo oo u shaqeysa sida Money Gram iyo Western Union oo kale,  balse la waafajiyay Shareecada Islaamka . Aman Finance oo xafiisyadeeda ugu horreeyay laga ka furay Sweden waxaa maalgeliyay ganacsato Soomaali ah oo lacago isku darsaday. Shirkadaas waxa ay caawisay dadka Yurub ku nool, dalalka Af Ingiriiska ku hadla iyo Jabaan. Intaas dadka jooga ayay siineysaa adeeg maaliyadeed oo aan ribo laheyn. Jidkaas ay jeexday Aman Finance waa midka ugu sahlan ee dabooli kara baahiyaha ka dhashay xiritaanka Xawaaladaha Soomaalida.

License ga Aman Finance wuxuu u furanayahay dhamaan Xawaaladaha Somaliyeed oo ka faaiideeysankara ayagoon badalin magacooda

XT: Ugu Dambeyntii, rajo intee la eg ayaad ka qabtaa in dalka ay yimaadaan shirkado ajnabi ah oo maalgashi doonaya?

Galool: Run ahaantii sida aan hore usoo sheegayba Soomaaliya waa dal dhinac kasta ka dihan. Balse ma helin maalgashigii loo baahnaa si dadkeenna saboolnimada looga saaro. Meelaha qaar, sida shidaal qodista iyo macdan baarista waa khasab in dalalka aannu saaxiibka nahay ee nooga aqoon badan inaan kaashano. Soomaaliya sawirka laga heysto waayadii hore waxa uu ahaa mid khaldan. Hadda sumcadda iyo magaca dalka waa soo hagaagayaa. Waxaana aaminsanahay in marka hore Soomaalidu qaaato dawrka hogaamineed ee kaga aadan maaalgashiga dalka. Kadib in albaabada loo furo ajaanibta doonaysa inay wax nala qabtaan. Waan ku rajo weynahay in Soomaali iyo ajnabiba dalkani la maalgashan doono. Waxaase xusid mudan in ay hadaba dalka ka hawl galaan shirkado ajnabi ah oo maalgashi xooggan ku sameeyay meelaha qaar sida garoonka Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho.

Tan u danbeeysa waxaa jira meelo ay Soomaalidu aad ooga hormartay kuna filantahay maalgashi ahaan iyo aqoon ahaan oo ah dhinaca Isgaarsiinta Guud waxaana ku talin lahaa Dowlad iyo maamulba oo dalka ka jira in uu difaaco qeeybtaas muhiimka ah ee ay Soomaalidu ku soo dhabar adeeygtay, kana bixi karto horumarintiisa maadaama dalkeenna xaga isgaarsiinta uu ka wanaagsanyahay dalal badan oo gobolka ah.