Maalinta Naafada addunka oo Muqdisho laga xusay

330

Waxaan maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Naafada addunka ( World Disability Day ) oo sanadka kasta addunka laga xuso 3-da Bisha Diseembar maanta oo kale.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Huteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,ururada u dooda xaquuqda dadka Naafada ah iyo qaar ka mid ah dadka Naafada ah ee ku nool Gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Injineer Saalax Sheekh Cusmaan, Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xaquuqul insaanka Cabdiqani Sheekh Cumar iyo Guddoomayaha Golaha Naafada Qaranka Cali Cabdullaahi Salaad.

Maalinta Caalamiga ah ee Naafada  addunka ayaa Qaramada Midoobay u asteeysay 3-bisha Diseembar, waana maalin Caalami ah oo addunka oo dhan laga xuso sanad kasta.

Xaqiiqa Times