Maamulka G.Banaadir oo dalbaday 25% dhaqaalaha dekadda Muqdisho

182

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federal ka ah ee Soomaaliya ay ka dalbanayaan in dhaqaalaha ka soo xarooda Dekadda magaalada Muqdisho laga siiyo maamulkiisa boqolkiiba 25.

Mudane, Taabit, oo war kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku yiri “Sharaf weyn ayay ii aheyd in Golaha Wasiiradda XFS uga warbixiyo horumarka & caqabaddaha G/Benaadir oo u adeega 25% shacabka Soomaaliyeed”

Dhanka kale

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada sidoo kale siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.