Maamulka Hir-shabeelle oo dooranaya Aqalka Sare

268

Maamulka Hir-shabeelle oo la filayo in maalmaha soo aadan uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharxan Aqalka Sare ee matali doona gobalada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

War ay soo saareen howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM oo soo xiganaya Madaxwaynaha Hirshabeelle oo la soo gaarsiiyay Wargayska Xaqiiqatimes ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha Aqalka Sare lagu soo dooran doono mudo 4 maalmood gudahood.

Madaxwaynaha maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay soo gudbin doonaan liiska musharixiinta, kuwaasi oo ay dooran doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Tan ayaa qayb wayn ka noqon doonta dar-dar galinta howlaha doorashooyinka taasi oo lagu wado in la soo gebagebeeyo dhammaadka bisha soo aadan November.ctq7zzjwgaaf5pa

Halkan waxaa ka muuqanaya qaabka loo soo dooran doono labada Aqal ee Baarlamaanka dowladda soo socta.

275 ta xubnood ee Golaha Shacabka waxaa mid kasta soo dooran doona 50 ergay, halka guud ahaan 14,025 ergay ay Ku lug yeelan doonaan doorashada labada Aqal.

Haddii la soo doorto xubnaha matalaya Maamulka Hir-shabeelle waxaa uu noqon doonaa maamulkii 5 naad ee soo doorta xubnaha Aqalka Sare.

Xubnaha matelaya Maamulka Soomaaliland ayaa ayaguna lagu wadaa in la soo doorto.