Maamulka K/Galbeed oo doortay 7 musharax oo mid ka mid ah ay haween tahay

241

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka soconaysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Maamulada K/Galbeed iyo Jubaland ayaa shalay Ku guulaystay inay doortaan min 7 xubnood, ayadoo maantana markale la isu soo laabtay.

Magaalada Baydhabo warka aan ka helayno ayaa sheegaya in maanta ergooyinka Maamulka K/Galbeed Soomaaliya ay doorteen 7 xubnood oo ka mid boqday Golaha Shacabka.

Wariye Madaxbanaan oo la yirahdo Maxamed C/raxmaan Cabdulle oo Ku sugan goobta doorashada ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in haatan ay soconayaan doorashada labo xubnood, ka dibna xarumaha doorashadu la soo xiri doono.

Halkan ka akhriso magacyada xubnaha la doortay.

K/Galbeed.

1 Raabaco Sheekh Nuur.

2: C/casiis Xasan Maxamed oo helay 49.

3:Yacquub Cali Maxamed oo helay 29 cod 4: Maxamed iftin 26.

5: Maxamed  mursal oo helay 47.

6:Cali Cabdi Cismaan oo helay 43.

7:C/casiis Xasan Maxamed oo helay 49