Maamulka Muqdisho oo billaabay burburinta goobihii danta guud ee la dhistay

156

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta billaabay inuu burburiyo goobihii danta guud ee la dhistay intii ka dambeysay markii uu dalku galay dagaallada sokeeye.

Ciidammo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay barxad la dhigan jiray tagaasida oo ku taalla Muqdisho, halkaasoo ay dhisteen shaqsiyaad, waxaana ka hadlay burburinta guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir wuxuu billaabay maanta sida aad arkaysaa inuu burburiyo goobihii danta guud ee la dhistay, waayo waxaa la gaaray dowladnimo xilligii fowdada way dhammaatay,” ayuu duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ugu shegay wariyeyaasha isgoyska KM4 oo howshan burburinta ah laga billaabay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay ka go’an tahay maamulka gobolka Banaadir qaybna ka ah soo celinta bilicdii ay lahayd Muqdisho dagaallada ka hor.

Dhismayaasha maanta la burburiyay ayaa ahaa kuwo uu dhistay ganacsade iska leh hoteel lagu magacaabo Bakiin oo ku yaalla KM-4, halkaasoo ay ku yaalleen dukaamo iyo baar uu hoteelku lahaa, waxaana ay horay u ahayd barxad la dhigto taksiyaasha.

Waxaan ugu baaqaynaa dadka kale ee dhistay goobaha danta guud ah inay ka fuqsadaan albaabahooda ka hor inta aan loo imaan, waayo goobta aan maanta burburinnay muddo ayaa loo qabtay, waana ka dhammaatay, waana la burburiyay sida aad arkaysaan,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo maamulka gobolka Banaadir uu ku burburiyo goobaha danta guud ee la dhistay, iyadoo ay jiraan goobo dan guud ah oo la dhistay, kuwaasoo intooda badan goobo ganacsi.

www.xaqiiqa.com