Maanta shalay u ekaa: Doorashooyinkii 1969kii iyo 2016ka!

431

Waxaa jirta oraah caan baxday oo ah ‘maanta shalay u ekaa’. Waxaa lamid ah doorashooyinka 2016 ee Soomaaliya oo u eg doorashooyinkii barlamaanka ee 1969kii. Labada doorashooyin waxa ay iska shabahaan musuqmaasuqa, awood adeegsiga, boobka hantidii dadweynaha, heer federal iyo heer dowlad goboleed, oo si sharci darro ah loo adeegsanayo.

 

Labada doorasho waxay kusoo aadeen iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba lagu hoobtay.
Waxaase middan u dheer colaado baahsan oo ka jira deegaannada qaar iyo in ay gobollada qaarkood aysan ku jirin gacanta dowladda. Waxaa kale oo jira in meelaha qaar ay ka taliyaan dowlad goboleedyo aan dowladda dhexe amar ka qaadan oo ku xiran dalalka dariska ah.

 

Doorashadii 1969kii waxaa ka qeybgalay 31 xisbi oo intooda badan ku saleysnaa qaab qabiil. 19 kamid ah waxay ahaayeen xisbiyo la abaabulay intii uu socday ololaha doorashooyinka kuwaasoo oo loogu talogalay in kuraas lagu raadsado, halka 12 xisbi ay ahaayeen kuwo kasoo qeybgalay doorashooyinkii 1964tii sida xisbiyadii SYL iyo SNC oo ka kala dhisnaa Koonfur iyo Waqooyi, markii dambena noqday isbahaysi xukun wadaag ah oo Cabdirashiid Madaxweyne ka noqday iyo Cigaal oo Ra’iisul Wasaare loo magacaabay.

 
SYL oo ahaa xisbiga ugu awoodda badnaa ilaa xornimadii ayaa waxa uu helay 73 kursi oo kamid ah 123dii kursi ee loo tartamayay, halka xisbigii ku xigay ee Somali National Congress (SNC) oo ka dhisnaa waqooyiga uu helay 11 cod, xisbigii 3aad oo ahaa Somali Independent Constitutional Party wuxuu helay 8 cod, xisbiga 4aad oo ahaa Somali African National Union wuxuu helay 6 kursi, halka Liberal Party of Young Somalis ay heleen 3 kursi. Kuraasta soo hartay waxa qeybsaday asxaabtii kale.
Doorashadii 1969kii waxaa codeeyay dad tiradoodu ay gaareyso 879,554 qof oo ka codeeyay goobihii codbixinta doorashooyinka ee dalka oo dhan.

 

Doorashada 2016 waxaa codeeyay dad tiradoodu ay gaareyso 14, 025 qof oo ka codeeyay 6 magaalo, waxayna doorteen 275ta xildhibaan ee aqalka hoose.
Waxyaabaha kusoo kordhay midda sanadkan dhacday waxaa kamid ah in kuraasta Gobollada Waqooyi ee labada aqal lagu doortay magaalada Muqdisho maadaama aysan suuro gal ahayn in Somaliland ay doorasho ka dhacdo.

 

Arrinkan ayaa lagu sheegay in ay tahay xaalad gaar ah oo ku eg doorashooyinka 2016 maadaama aysan Somaliland aqoonsaneyn midnimada labada gobol ee waqooyi iyo koonfur.
Doorashadii 1969kii ee xisbigii SYL iyo xulafadiisii ay ku tagri faleen awoodda dowladnimada iyo dhaqanka dimuqraadiyadda waxay dhashay in saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka ay talada la wareegaan keddib markii la dilay madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke. Afgambigaas wuxuu sababay 21 sano in milatari uu talada xoog ku haysto isaga oo laalay dastuurkii iyo xisbiyadii dalka ka jiray. Natiijadii kasii dhalatay xukunkaas raagayna waxay noqotay burbur iyo dowlad la’aan ilaa iyo hadda ay Soomaaliya la daala dhaceyso taniyo 1991dii.

 
Haddaba eexda, boobka iyo musuq-maasuqa ka dhacay Muqdisho, Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo Cadaado oo ahaa xarumihii doorashada maxaa ka dhalan doona? Kolleey milatari wax inqilaabi kara suura gal kama aha Soomaaliya, balse waxaa la isweydiinayaa ajnabiga ilaaliya dowladnimada Soomaaliya, ciidankana u keensaday maxaa tallaabo ah oo ay ka qaadi doonaan boobka doorashada Soomaaliya ka dhacay 2016?
Waa arrin isha lagu hayo, lagana dhursugayo sida ay ku dhamaato iyo nidaamka ka dhasha musuqmaasuqa aan qarsooneyn ee hareeyay doorashooyinka labada aqal ee Soomaaliya. Waqtiga ayaa ka jawaabi doona su’aalahan oo idil.