Macalimiin Qur’aan Oo Lagu Laayay Degmada Cadale

58

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Degmada Cadale gaar ahaan Tuulada lagu magacaabo Koogaar lagu dilay wadaado S halkaa u tagay in ay qur’aan saaraan dad ku xanuunsanaa deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 ka mid ah culimada deegaanka, waxayna magacyadooda ku kala sheegeen sidaan

• Sheekh Daahir Xasan cali Dheere

• Macalin maxamuud canbuure

• Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe

• Macalin Muqtaar C/laahi Cilmi

• Macalin Muxumud Xasan Cali Dheere.

Dilka Macalimiinta ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen maleyshiyaad hubeysan oo markii ay falka geysteen iskaga baxsaday halka ay wax ku dileen.

Dhacdadaan ayaa loo maleynayaa inay la xiriirto aanooyin qabiil oo u dhaxeeya bulshada deegaankaa ku wada nool.

Ilaa iyo hadda wax war kama soo bixin masuuliyiinta amniga deegaanka oo ka tirsan maamul Goboleedka Hirshabelle.