Maclimiin laga Af-duubtay Xeryaha Dhadhaab

240

kooxo hubaysan Ayaa lagu soo waramayaa inay af-duub ka gaysteen xerada Xagardheer oo hoos tagta xerada Qaxootiga Caalamka ugu wayn ee Dhadhab taasi oo Ku taala gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kooxda ayaa Khamiista maanta la sheegay inay weerareen Iskuul la yirahdo al-Huda oo Ku yaala Xeradaasi.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Ku waramayaan in kooxda hubaysan ay rasaas fareen taasi oo aan la ogayn in dad ay wax Ku noqdeen.

Maxamed Saalax oo ah mas’uulka Kenya u qaabilsan waqooyi Bari Kenya ayaa xaqiijiyay in afduubkasi uu dhacay islamarkaana la afduubtay labo Macalin

Waxaa uu sheegay in Booliiska ay Ku raad joogaan kooxda weerarka gaysatay