Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaasha Saddex Dawlad Goboleed oo Madal Cusub Sameystay

275

 

Muqdisho (XT): Waxaa goor dhaw la filayaa in lagu dhawaaqo madal cusub oo loogu magac daray  Madasha Hogaamiyayaasha Soomaaliya “Somalia Leadership Forum (SLF)”.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan Xukuumadda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, K/Galbeed iyo Maamulka Juba.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu soo baxo warsaxaafadeed lagu qeexayo hawlaha ay qaban doonaan hogaamiyeyaashu iyo sidii lagu gaari lahaa higsiga 2016.

Warar uu Wargeyska Xaqiiqa Times ka helay madaxtooyada ayaa sheegaya in shir ay yeesheen madaxwaynaha Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar C/rashiid, Madaxwaynaha Puntland Dr. C/wali Gaas, Madaxwaynaha Maamulka Juba Axmed Islaam iyo Madaxwaynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  ay ku heshiiyeen falanqeyn dheer kadib in madashan lagu dhiso.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in waxyaabaha lagu heshiiyay ay kamid tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo dhamaystirka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Barlamaanka horyaalla si loo hubiyo in doorasho xor ah dhacdo 2016.

Madaxda Maamul  Goboleedyada ayaa maalmahan marti u ahaa Dawladda Federaalka ah iyaga oo shirar la lahaa Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Ma jirto fargelin muuqata oo dhanka Beesha Caalamka ah inta ay shirku socday laakiin waxaa la rumeysanyahay in cadaadis hoose uu jiro oo ka imaanaya Beesha Caalamka.

Xog hoose oo uu Wargeyska Xaqiiqa Times helay ayaa sheegaya in Madaxwaynayaasha Gobolladu ay isku dayeen inay samaystaan madal ay iyagu ku midaysanyihiin si ay cadaadis u saaraan Dawladda Federaalka ah, hase yeeshee ay beeshu caalamku ka diiday, una sheegtay inay aqoonsan doonaan madashooda haddii ay Xukuumadda Federaalka ah qayb ka noqoto.

Waxaa shirka ka maqan Gudoomiyaha Barlamanaka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo aan la ogeyn sababta rasmiga ee uu uga baaqday.

Wixii faahfaahin ah ee soo kordha kala soco Xaqiiqa Times.