Madasha Hoggaamiyeyaasha: Soomaali Aayaheeda ka Tashanaysa

252

IB0A4338__2_Waxaa magaalada Muqdisho si lama filaan ah booqasho ugu yimid Madaxweyneyaasha Maamul Goboleeyada Puntland, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Jubba kaddib markii ay martiqaad ka heleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay u arkaan inay tahay tallaabo horay loo qaaday oo muujineysa in Soomaalidu ay soo bislaaneyso, dhanka dowladnimada iyo midnimadana loo sii dhawaanayo. Waa markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha saddexdan maamul iyo Dowladda Federaalka ay caasimadda ku kulmaan, weliba iyagoo aysan ajnabi ku dhex jirin.

Inkastoo aad loo soo dhaweeyay booqashadan iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay yeesheen, haddana waxaa jira dhaliilo laga akhrisanayo wada-xaajoodkooda, kuwaas oo ay fiicnaan lahayd in laga gudbo kulamada dambe.

Tan koowaad ayaa waxa ay tahay in ay sameysteen madal ku kooban hoggaamiyeyaasha saddexda gobol iyo Dowladda dhexe, taas oo dad badan ay u arkeen in ay madaxda doonayaan inay iyagu afduubtaan mustaqbalka siyaasadda dalka xilli la filaayay in ay 2016 dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo ay shacabka go’aamiyaan cidda hoggaanka u qabaneysa.

Tan labaad waxaa laga reebay shirka Galmudug oo ka mid ahayd saxiixeyaashii heshiiskii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta, taas oo Madaxwaynahooda Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) uu ku tilmaamay in shirka iyo heshiiskii lagu saxiixay intuba ay yihiin sharci-darro.

Tan saddexaad waxa ay tahay iyadoo ay heshiiska ka muuqato kalsooni-darro dhextaalla Maamullada iyo Dowladda dhexe, iyadoo shaki weyn laga muujinayo fulinta heshiiskan maadaama heshiisyadii hore ee dowladda dhexe ay la gashay maamul-goboleedyadan aan dhamaantood la fulinin.

Si kastaba ha ahaatee in ay Soomaali kaligeed shirto, ayna is booqdaan madaxda iyagoo aan lagu dhexjirin ayaa ah guul horudhac u noqon karta in la joogteeyo, lana ballaariyo kulamada iyo shirarka noocan oo kale ah. Wareegga labaad ee shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Garoowe bisha Abriil ee sanadkan.