MADASHA WADA-TASHIGA: Taladii Ugu Horreysay ee Soomaalida Lagu Tijaabiyay

737

wax badan bay Soomaalidu ku andacoot-ay in fara-gelinta laga daayo, si ay aayaheeda uga tashato. Madasha wadatashiga ayaana ah ti-jaabadii ugu horreysay ee shacab iyo xukuumadba Soomaalida loo diro, si looga wadatashado nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta 2016-ka.

Waxay si wadajir ah wadatashiyo uga furmeen magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaasoo ay kasoo baxeen fikrado aad u kala fog. Dowlad-goboleedya-da Puntland iyo Jubbal-and ayaa shirarkii ay qabteen waxaa kasoo baxay in lagu saleeyo hannaanka doorasho mid deegaan (18-kii Gobol iyo 92-kii degmo ee dowladdii Kacaanka), halka dowlad-goboleedy-ada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed oo ay weheliyaan maamulla-da gobollada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Banaadir ay taageereen in afar beel iyo bar lagu saleeyo doorashooyinka 2016-ka.

Waxaa labadaas dhinac, fikir ka duwan soo band-higay ergadii ka qeyb-ga-shay shirkii Muqdisho ay ku qabsadeen siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo 750 gaarayay oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi. Shirkan dad-weynihii lagu casuumay waxaa ka dhex muuqday raysul lwasaare ku-xi-geenka xukuumadda Soomaaliya, xubnaha golaha wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda deeggaanadaas.Waxay ergadu isku waafaqeen in ay doonayaan in hannaan-ka awood-qeybsi ee ay noqoneyso dowladda la dhisi doono 2016 mid loo qeybsado Waqooyi iyo Koonfur.

Kala duwanaashahaas soo ifbaxay ayaa haddii aan laga gaarin xal u wada qalma saddexda dhinac wuxuu keenayaa in mar kale faragelin caalami ah lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed oo burburkii kaddib fursad u helay in magaalooyin-ka dalka ugu waaweyn ay shirar nabdoon ku qabsadaan, kaasoo ka madax-bannaan farage-lin.

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin , Alle ha u naxariistee ayaa hadda kahor tiriyay tix ku qotonta waxa haatan taagan, oo ah isu tanaasul la’aanta Soomaalida. Isagoo sheegay haddii ay tashan waayaan in loo talin doono.Abwaanka oo arrima-haas tix yar ku muujiyay ayaa yiri;

Adoon tamar heyn
Oo aan talo heyn
Oo tallaab gabay
Kolka tooyooy
Niman turuqyo leh
Oo tafaafulan
Oo aan kuu tudhin
Ku taxaabtaan
Ee lagula tago
Tashan weydaye
Waa laguu talin.

Nuxurka tixdan ayaa ah haddii marka aad tamar heyso aadan talada garan, waxaad garan doontaa mar aadan tamar heynin. Furasadduna mar walba ma furna. Soomaaliyeey tasho, isku tasho, wada tasho oo aayaha dalka si Soomaalinnimo ah u xalliso inta aan xal aan kuu qalmin bannaanka lagaaga soo safrinin.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka madasha wadatashiga ee lagu qabtay Muqdisho ayaa 16-kii bishan lagu shee-gay in ay ka qeyb-ga-layaashu isku raaceen in aan muddo kordhin loo sameyn doonin hay’ada-ha dowladda federaalka ah ee hadda jira, in la dhiso labo aqal oo sharci-dejin oo kala ah aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka,
in habka awood-qeybsiga lagu saleeyo deegaan iyo qabiil isku dhaf ah oo labada la isku eegayo iyo in tiro kuraas ah oo cayiman haweenka laga siiyo labada gole ee la dhisi doono ee kala ah aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka.
Madaxda ayaa sidoo kale ku heshiiyay in 10-ka bisha Jannaayo uu shirka wada-tashiga ka sii socdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.Hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaa-liya ayaa muddada xilkooda wuxuu ku eg yahay bisha August ee sanadka 2016.

W/Q : Aadan Jaamac

Wehel Ka Dhigo Xaqiiqa Times