Madasha Xisbiyada Qaran Oo Baaq Ka soo Saaray Shirka Muqdisho

36

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka in Shirka Muqdisho uu noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, loona gaaro go’aanno kama dambeys ah oo ay u dhanyihiin dhammaan saamileyda

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ay ku kala saxiixdeen heshiis ku addan doorashada soo socota.

Madasha xisbiyada qaran ayaa waxa kale oo ay soo jeediyeen la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf ragaadiya natiijada shirka ka socda Magaalada Muqdisho.