Madaxa ammaanka Dubai: Hala duqeeyo xarunta dhexe ee Tv-ga AlJazeera

187
Dhahi Khalfan, madaxa hay'adaha Ammanka Dubai ( Sawirka waxaa qaaday Axmed Jadallax/Reuters]
Dhahi Khalfan, madaxa hay’adaha Ammanka Dubai ( Sawirka waxaa qaaday Axmed Jadallax/Reuters]

Madaxa Ammanka Magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa baahiyay war muran badan ka dhex dhaliyay Bulshada Carbeed ee ku nool dalalka Barriga dhexe.

Warka uu baahiyay madaxa ciidamada Ammanka magaalada Dubai ayaa ahaa inuu ku baaqayo in la duqeeyo xarunta dhexe ee Telfiishanka AlJazeera oo xaruntiisu ay tahay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Lieutenant General Dhahi Khalfan, madaxa ciidamada Ammanka Dubai ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay waxaa uu Ku baaqay in la duqeeyo xarunta dhexe AlJazeera, isaga oo Ku eedeeyay in ay buunbuunisay weerar jimcihii lagu qaaday masjid ku yaala gacanka siinaay ee dalka Masar kaasi oo ay Ku dhinteen 235 qof.

” Xalafu waa inay duqeeyaan Matoorka Argagaxisada… Kanaalka Daacish, al-Qaacidda iyo Jabhadda al-Nusra Front, AlJazeera waa Argagaxiso” ayuu madaxa Ammanka magaalada Dubai Ku Yuri isagoo bartiisa Twitter-ka Ku leh saaxiibo ama raacayaal  ( followers) gaaraya 2.42 Milyan oo qof (Labo dhibic 42 Milyan)

Ilaa iyo goormaa ayay AlJazeera sii wadi doontaa inay dhaawacdo Ammanka dalka Masar iyo waliba guud ahaan kan Carabta ayuu sidoo Kale kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Suniyiinta Carabta iyo qoysaska maamula boqortooyinka dalalka gacanka Carabta ayaa TV-ga AlJazeera u arka cadowgooda koowaad ayagoo ku nacay wararka tv-ga laantiisa afka Carabiga uu baahiyo.

Dalalka gacanka qaarkood oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa horay u dalbaday in albaabada la isugu dhufto AlJazeera ka dib markii cunoqatayn oo dhinaca walba leh ay ku soo rogeen dalka aadka u yar ee Qadar kaasi oo dhasho wadaag la ah Carabta ku nool gacanka.