Madaxa Somali Channel Muqdisho oo dhaawac ah

190

BlackDabley hubeysan ayaa goor dhowayd dhaawacay madaxa xafiiska telefishenka Somali Channel ee Muqdisho, Cabdirisaaq Jaamac Cilmi oo ku magac dheer ‘Black’, xilli uu weriyuhu ku sii jeeday goobtiisa shaqada waxaana dhaawaciisa imminka la tacaalaya dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgalla cusbitaalka Madiina.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadaasi waxay warbaahinta u sheegeen in dableydu ay rasaas bareer ahayd ku fureen Black iyo nin kaloo ah bare jaamacaddeed oo isna lala dhaawacay weriyahaasi kaddibna ay ku baxsadeen gaari ay wateen.

Weriyaha ayaa lagu beegsaday agaggaarka isgoyska Black Sea ee degmada Hodan mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse waxaa si weyn u cabmaareeyay suxufiyiinta Soomaalida iyo kuwa kale ee caalamka, iyaga oo falkaasi ku tilmaamay mid naxariis darro ah.

Weriyeyaasha ka hawlgalla saxaafadda madaxabannaan ee Soomaaliya ayaa inta badan dhibaatooyin kala kulma dawladda iyo xarakada Shabaab.