Madaxaynaha Jabuuti oo soo gaaray Moqdisho

232

Waxaa Goor dhow bilaaban doona Munaasabadda Caleemasaarka Madaxwaynaha J.F.S Md: Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana Xafladdaan ka soo qaybgalaya wufuud ka kala socota wadammo kala duwan.

Wufuudda la filayo in ay ka soo qaybgalaan waxaa ka mid ah wadamada Turkiga, Sacuudiga,Jabuuti,Ethopia, Suudaan, Ugandha, Kenya Burundi, Kuwait iyo wadamo kale.

Wararka aanu ka helayno garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in goor dhow ka soo dagay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti   Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Soomaaliya MUdane Max’ed C/llaahi Farmaajo.

wixii war ah ee ku soo kordha wufuudaasi ku soo qulqulaysa Muqdisho si ay uga qaybgalaan Xafladda Caleemasaarka Madaxwaynaha Somaaliya goordhow ayaan idiin soo gudbinaynaa.